Dhageyso: Aqoon Yahan Sheegay In Beesha Mudulood Lagu Xaqiray Nidaamka Awood Qaybsiga Ee 4.5

by admin | Friday, Jul 15, 2022 | 572 views

Aqoon yahan Cabdisisaaq Xuseen Jeyte oo ka mid ah  qurba joogta Soomaaliyeed oo in muddo ah ka maqanaa Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Isbadalka siyaasadeed ee ka jira Dalka

Waxaa uu Ugu horreyn soo dhaweeyay doorashada 15ka bishii may ee uu ku guuleysatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo Magacaabista Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre oo dhawaan codka kalsoonida ah ka helay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya .

Aqoon yahan Cabdirisaaq  Xuseen Jeyte ayaa sheegay in Nidaamka Awood qaybsiga 4.5  lagu dulmiyo Beelaha qaar isaga si gaar uga hadlay Beesha Mudulood oo uu  tilmaamay in la yiri’ madaxweyne ayaad hesataan xilal kale ee dawladana beelo  kale oo Soomaali ah ayaa la sinayaa waa sida uu hadalka u yiri’ waxaana uu sheegay in ka beel  ahaan ay doonayaan xaqii kaga lumay Awood qaybsiga  gobolka Banaadir .

Waxaa uu carrabka ku dhuftay in Gobolka Banaadir ay leeyihiin Muduleed maamulkeedana iyaga loo madax baneeyo waa sida uu hadalka u yiri’

Ugu dambeeyntiina: Aqoon yahan Cabdirisaaq Xuseen Jeyte ayaa ugu baaqay madaxda dawlada Federaalka Soomaaliya in aysan Hilmaamin in gobolka Banaadir uu yeesho maamul goboleed ay dhisanayaan Dadka dega gobolka Banaadir iyo degaanada kale ee hoostaga.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Waraysiga Aqoonyahan Cabdirisaaq Xuseen Jeyte:

 

Like it? Share it!

Leave A Response