DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo si ku meel gaar ah u xirtay garoonka diyaaraha Baledweyne.

by admin | Thursday, Jul 16, 2020 | 411 views

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u xirtay garoonka Ugaas Khaliif ee Magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dib markii talaadadii ay ku soo dhacday diyaarad xamuul ah oo sahay u siday Ciidanka AMISOM ee gobolkaan.

Agaasimaha duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo booqday garoonka diyaarada Ugaas Khaliif ayaa sheegay in garoonka Baladweyne uu sii xirnaa doono in mudaa si baaritaan looga sameeyo waxa sababay burburka diyaarada.

Garoonka Baledweyne waxaa tagay Wasiirka duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafti xaqiiqo raadin ah oo ay qayb ka yihiin saraakiil ka socotay Safaarada Kenya ee Muqdisho.

Axmed Macalin Xasan waxa uu sheegay in ay guulaysteen in ay diyaarada ka soo bixiyaan labada santuuq ee kaydisa xogta diyaarada halkaasna laga ogaa doono waxa sababay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Baledweyne.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay garoonka inta uu xiranyahay in ka nadiifi doonaan burburka diyaaradii ku soo dhacday garoonka Baledweyne isla markaana iyaga oo eegaya masuuliyada ka saaran bulshada ay shaqaale iyo galab gaynayaan garoonka goroonka Ugaas Khaliif ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Diyaaraddii ku burburtay garoonka Beledweyn ayaa la sheegay in ay dhacday ka dib markii ay aragtay dameer ku socday jidkii ay ku degi lahayd.

Diyaarad oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Bluebird Aviation oo laga leeyahay Kenya ayaa Talaadadii ku dhacday magaalada Baledweyne ee Soomaaliya, xilli ay cagadhiganeysay.

Diyaaraddaasi wuxuu nooceedu ahaa Dash 8-400 oo lagu sameeyey dalka Australia, waxay dalka Kenya uga diiwaangashaneed 5Y-VVU. Wuxuu dhaawac fudud gaaray shaqaalihii saarnaa.

W/D: Bashiir  cabdulahi cismaan

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response