Dhaqdhaqaaq ka dhan ah ‘AS’ oo DG Koofur Galbeed ka socda.

by admin | Wednesday, May 3, 2023 | 170 views

Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa ka dhacay kulan looga arrinsanayay sidii loogu dhaqaaqi lahaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhaqdhaqaaqiisu ka socda deegaanno dhowr ah oo katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

Koofur Galbeed waxaa lagu diyaariyay Ciidamo tababaro gaar ah qaatay oo loo carbiyay sidii ay ula howlgali lahaayeen Ciidamada Federaalka, Daraawiishta iyo Dadka deegaanka ee bilihii u dambeeyay loo diyaarinayay howlgalladaan.

Wasaaradda Amniga DG Koofur Galbeed ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadatay Saraakiisha Ciidamada qaybahooda kala duwan iyo kuwa Midowga Afrika ATMIS oo ay ku ballameen in lagu dhaqaaqo fulinta howlgalkaas.

Ciidamada ay tababareen Saraakiisha Dowladda Ingiriiska ka socda ee magaca Midowga Yurub ku jooga Soomaaliya ayaa loo diyaariyay hub & Gaadiid ay u adeegsadaan howlgallada lagu wado in laga sameeyo deegaannada DG Koofur Galbeed.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in wajiga xiga ee Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ laga sameyn doonno Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland si loo qabto deegaannada ka maqan Dowlad-Goboleedyadaas.

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qudhiisa sheegay in Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas iyo Dadka deegaanka ay u diyaarsan tahay fulinta howlgalka ay ku wajahayaan ‘AS’.

Like it? Share it!

Leave A Response