Dhowr Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Maraykanka

by admin | Thursday, Mar 28, 2019 | 993 views

Boliska dalkaasi ayaa sheegay in 2 qof lagu dilay, 2-kalena si xun loogu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalladda Siyaatal ee dalkaasi.

Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu toogtay 2 qof oo gaari wadatay iyo Bas ka dhex shaqeeya magaalladaasi, kaasi oo sababay inuu dhaco shil gaari.

Toogashadan ayaa dhacday shalay galab, xilli uu mashquul xooggan ka jiray Waddooyinka.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu ku baxsaday gaari uu dhacay.

Boliska waxay baacsadeen ninka dilka iyo dhaawaca geystay, kaasi o oay isagana dhaawaceen, waxaana haatan lagu daaweynayaa Isbitaalka, iyadoo ilaalo laga hayo.

Shirkadda Basaska ee King County’s Metro waxay bartooda Twitterka ku sheegeen in Dareewalka baskooda uu caloosha ka dhaawacmay, lana dhigay Isbitaalka, inkastoo  aysan noloshiisa khatar ku jirin.

Sidoo kale 12 qof oo rakaab ah ayaa la sheegay inay ka badbaadeen toogashadaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response