Dhul-gariir ka dhacay dhulka Falastiin iyo khasaaro ka dhashay

by admin | Wednesday, Feb 8, 2023 | 239 views

Waxaa uu dhul-gariir ka dhacay dhulka Reer Falastiin, sida ay baahisay Wakaallada Wararka Falastiin ee WAFA.

Dhul-gariirka oo Halbeegiisu ahaa 3.7 ilaa 4 waxaa laga dareemay dhowr Gobal oo ka tirsan Dhulka Falastiin ee Daanta Galbeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ramallah, Beyra, Nablus iyo Quddusta la haysto.

Xarunta Dhul-gariirka ee Jaamacadda Al-Najaax ( ee ku taalla magaalladda Nablus ayaa sheegtay in Xudunta Dhul-gariirku ahaa deegaan 13 KM ee Waqooyiga Nablus, isla markaana Dhul-gariirku ahaa mid sahlanaa.

Dhanka kale, 55 Muwaadiniin Falastiini ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Dhul-gariirkii xooganaa ee Isniintii ka dhacay dalka Türkiye.

Danjiraha Maamulka Reer Falastiin u fadhiya Türkiye, Faed Mustafa ayaa xaqiijiyey inay 23 Falastiini Qaxooti ku ahaa Turkiye ay ku dhinteen Dhul-gariirkaasi, iyadoo Tirada Guud ee dadka Falastiiniyiinta ee ku dhintay Dhul-gariirkii Turkiye ay gaartay 55 qof.

Like it? Share it!

Leave A Response