Dil & banaanbaxyo ka dhacay Magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Nov 30, 2020 | 358 views

Rag hubeysan ayaa xalay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa degaannada Maamulka Hir-Shabeelle, iyaga oo dilka, kaddib goobta ka baxsaday

Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegoow) ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, waxana dilay rag ku hubeysnaa Bustoolado.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Beledweyne, kuwaas oo sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Magaalada Beledweyne loogu geysay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegoow), waxaana uu kusoo aadayaa xilli amniga Magaalada Beledweyne uu faragha ka baxay, waxaana dhawaan lagu dilay Guddoomiye ku Xigeenkii Xaafada Buundweyn oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Muxumed (Kuukay dheere).

Dhinaca kale Magaalada Beledweyne waxaa xalay ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo Mamaulka Hir-Shabeelle, kaas oo ay dhigayeen qaar kamid ah Bulshada Magaalada Beledweyne.

Banaanbaxayada oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Beledweyne ayaa xalay markii ugu horreeysay ka dhacay xilli habeen ah, kaddib markii Booliska Hir-Shabeelle ay xireen laba kamid ah dadka Magaalada Beledweyne oo uu ku jiro nin Magaciisa lagu soo koobay Dr Madax Qare.

Xaalada Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay aheyd mid aan wanaagsaneyn, waxaana ka dhacayay dilal qorsheysan iyo banaanabxyo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response