Diyaarad siday Wafdi ka socda Imaaraadka oo laga celiyay Garoon ku yaal G/Mudug

by admin | Tuesday, Mar 30, 2021 | 283 views

Wararka naga soo gaaraya magaala xeebeeedka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi maanta laga hor istaagay inay ku degto garoon ku yaal diyaarad sidda wefdi ka socday dowladda isutagga Imaaraadka Carabta.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in maleeshiyaad dadka degaanka ah oo is abaabulay ay la wareegeen Garoonka diyaaraha isla markaana ayt diiddeen diyaaradda sidday wefdiga Imaaraadka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland in ay halkaasi ka degto.

Sidoo kale Dadka deegaanku waxaa ay sheegeen in ay saaka magaalada ku arkeen ciidamo badan oo kuwa Badda Puntland ah, waxaana weli la cadeyn ujeedka wafdiga ka socday Imaaraadka u tegei lahaayeen Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka magaala xeebeeedka Garacad ayaa waxaa ay wadaan dadaalo lagu xalinaayo arrintan, iyada oo weli aysan ka hadlay Xukuumadda Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response