Dowladda dhexe oo lagu eedeeyay soo iibshadda hub xad dhaaf ah

by admin | Thursday, Nov 15, 2018 | 804 views

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay jabisay Cunaqabateynta hubka ee Saaraan, xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ay ugu jirto sidii looga qaadi lahaa Cunaqabateynta, Maadaama ay dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Kooxdii Golaha Ammaanka u qaabilsanaa Cunaqabateynta Saaraan Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay  20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7.

Kooxda waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay soo dhoofsatay Xad ka badan midka loo ogol yahay Soomaaliya.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha in la geeyey gudaha  Madaxtooyadda  bishii May 2018 ee sanadkaan,islamarkaana loo diiday in ay Baaraan hubkaasi.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay  in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Like it? Share it!

Leave A Response