Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Thursday, Nov 11, 2021 | 257 views

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor-Gor ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada, Shaamgare, raqayle, Raaydableey iyo degaano kale, isla markaana ay ku burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor-Gor oo howlgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay dileen Saraakiil iyo Xubno ka yirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaateyn jiray dadka Shacabka ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa ay degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ka saarayaan Al-Shabaab kalana wareegay Saldhigyadooda.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa inta badan howlgallo gaar ah waxaa ay ka fuliyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, balse mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response