Dowladda oo sheegtay inay weerar ku dishay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Saturday, May 29, 2021 | 271 views

Saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Deegaannada ay dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah degaannada, warciise iyo Gal-labashiir, kadib markii ay degaannadaas weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa yuusuf Raage ayaa sheegay in dagaalkaas Ciidamada xoogga dalkja ay guulo waaweyn ku gaareen, isla markaana Al-Shabaab ay uga dileen 15 Xubnood.
Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgalalda Al-Shabaab looga saarayo degaannada hoostaga degmada Raaga-ceelle iyo Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan sheegay in ay weerareen degaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe oo ay isku aruur sanayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay inay weeraro fuliyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response