Dowladda oo soo bandhigtay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay

by admin | Wednesday, Feb 24, 2021 | 317 views

Sida ay baahisay Warbahinta dowladda Soomaaliya Sarkaalkan oo lagu Magacaabo Cabdule Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani), ayaa isku soo dhiibay Ciidamada dowlada ee ku sugan Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Guutada 13-aad, Qaybta 21-aad ayaa sheegay in Sarkaalkaas uu xirir la soo sameeyay saraakiisha Ciidamada, sidaasina ay kusoo dhaweeyeen.

Cabdule Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani) oo ah Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ee isa-soo dhiibay ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab, waxaana uu codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Sidoo kale Cabdule Xuseen Maxamuud ayaa sheegay in sababaha uu Al-Shabaab uga soo goostay ay tahay inay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah, isla markaana uu dhibkaasi waxka qaban waayay.

Cabdiqani, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,isaga oo  Al-Shabaab u qaabbilsanaa hoggaaminta qayb ka mid ah Xubnaha  geysta weerarada.

Ciidanka xoogga dalka ee ka howlgalla deegaannada Koonfureed ee Gobolka Mudug ayaa wada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana Magaalada Bacaadweyne iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada dowladda oo garab ka helayay dadka degaanka iyo Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response