Dowladda Soomaaliya oo baaq deg deg ah dirtay

by admin | Friday, Sep 9, 2022 | 339 views

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa ugu baaqay dalalka islaamka qorshe midaysan oo lagu wajaho khatarta xagjirnimada iyo waxa loogu yeero argagixisada.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay shirka Wasiirrada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dalalka islaamka ayaa caddeeyay in halista ugu badan argagixisadu ku hayso dalalka islaamka sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la yeesho qorshe midaysan oo lagu wajaho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa khudbadiisa waxaa uu diirradda ku saaray sida Gacan looga Geysan lahaa Hormarinta  Dhalinyarada Geeska Gaar ahaan Kuwa Soomaaliyeed iyo in lagama maarmaan utahay in qorshe midaysan looga yeesho la-dagaalanka fikirka xagjirnimada.

Dunida islaamku waa dhibanaha koowaad ee falalka argagixisada waana cidda kelli ah ee xal waara ka gaari karta fikirka xagjirnimada ayuu yiri” Wasiirka

Ugu dambeyn Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa la wadaagay dalalka islaamka

Inay ku hawllan yihiin sidii loo jihayn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, shaqooyin loogu abuuri lahaa dibna loogu dayactiri lahaa garoomadii ciyaaraha kuwo cusubna loogu dhisi lahaa.

Hadalka Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli meelo badan oo kamid ah dalka ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo is abaabulay oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response