Dowladda Soomaaliya oo furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud ku celisay 1,500 askari

by admin | Monday, Sep 4, 2023 | 175 views
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo cusub geysay jiidaha hore ee dagaalka, gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud, kadib maalmo ay ciidamadaasi dib ugu gurteen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamo gaaraya 1,500 oo askari ayaa loo diray gobolka, waxaana saraakiil ay horkacayaan xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ay ku sagootiyeen ciidamadan magaalada xeebta ah ee Cadale.

Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa u rajeeyay Ciidanka Xoogga Dalka inay dhawaan Al-Shabaab ka saari doona jiidaha hore ee dagaalka.

“Waxaan halkan idinku adkaynaynaa in dawladdiinu ay garabkiina tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Fareey oo ka hadlayay munaasabadda sagootinta ciidanka.

Tan iyo markii ciidamada qaar ay faarujiyeen jiidaha hore ee dagaalka ayaa waxaa socday dadaalo lagu doonayo in ciidamada lagu qanciyo inay dib ugu laabtaan xeryahooda, ayna dib u bilaabaan dagaalada ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response