Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aanay kaligeed ku filnayn gurmadka daadadka ka dhashay roobabka

by admin | Thursday, Nov 16, 2023 | 132 views

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ee ka da’aya dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dedaallada socda ee gurmadka ah, isagoo sheegay in Xukuumadda ay dedaal ballaaran ugu jirto sidii gargaar loola gaari lahaa dadka roobabku ay saameeyeen.

Guddigan oo ay qeyb ka yihiin, Golaha Wasiirrada, Hay’adda SoDMA, bulshada rayidka ah iyo culimada, ayaa waxaa la isku raacay in la qabto shir-weyne bulshada Soomaaliyeed lagula wadaagayo baaxadda dhibaatada ay roobabku geysteen.

Raysal wasaare ku xigeenka, ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan meelaha togagga ah ee webiyada u dhaw in ay taxadaraan, maadaama ay saadaashu tilmaamayso in roobab kale la filayo.

Dhinaca kale, wasiir u dowlaha caafimaadka ee dowladda Soomaaliya, Maryan Maxamed Duuliye oo katirsan guddigan ayaa sheegtay, dhibaatada ugu badan inay ka taagan yihiin degaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Waxay sheegtay in Doon mooyee aan gaadiid kale gudaha u gali karin degaanada ay ka dhaceen daadadka fatahaada.

Wasiir udowluhu waxay sheegtay, dowladda kaliya in aanay ku filnayn wax ka qabashada musiibada ka dhalatay daadad roobabka dalka, waxayna shacabka ugu baaqday inay qaataan kaalintooda gurmadka.

Like it? Share it!

Leave A Response