Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay howlgal ku dishay 30 katirsan Alshabaab

by admin | Wednesday, Jul 19, 2023 | 171 views

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Taliyaha guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor, Bashiir Cabdullaahi, ayaa sheegay in ciidanku ay howlgalkan ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen xubno katirsan Alshabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab, iyadoo ciidamadu kala wareegeen hub iyo agab kale oo ciidan.

Waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalku ay burburiyeen saldhiggii shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ceel- Qurac, waxaana hadda socda hawlgal lagu raad joogo firxadkii Shabaab.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii dowladda howlgal ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada Galcad ku dishay dagaalamayaal katirsan Shabaab.

Ciidanka dowladda ayaa u muuqda kuwo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response