Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Gedo

by admin | Thursday, Oct 1, 2020 | 469 views

Wararaka laga helayo degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ay halkaasi ka fuliyeen duqeymo diyaaradeed.

Dad ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in diyaaradaha ay duqeynta ka fuliyeen degaananda kala ah, Cowsqurun Garsaal. Xisaguur. Dhamas. Likooley oo dhamaantood Hoostaga degmada Ceelwaaq.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in degaannada ay Diyaaradaha Kenya duqeeyeen ay ku sugnaayeen dad Xoolo dhaqato ah,waxaana dqueyntaasi ay sababtay dhimashada Geel farabadan oo ay lahaayeen dadka Xoolaleyda ah.

Gooboogayaasha ayaa waxaa ay ku warameen in weli aan la sheegin khasaaro duqeynta diyaaradaha Kenya ee Gobolka Gedo kasoo gaaray dad rayid ah, isla markaana xaalada ay tahay mid degan.

Dhinaca kale Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Kenya ay isugu yeereen Odayaasha iyo Maamulka Ceelwaaq, isla markaana ay kala hadlayaan kacdoonkii ka dhashay dilal ay dad Shacab u geysteen Ciidamada Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response