Duqeymo horleh oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe & howlgallo socda

by admin | Tuesday, Oct 25, 2022 | 244 views

Waxaa weli degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ka socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab , kaas oo ay siwadajr ah u wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo iskaashanaya.

Howlgalla ayaa sigaar ah uga socda laba qeyb oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe sida aaga degaanka Masaajid Cali Gaduud iyo dhinaca tuulooyinka hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa duqeeyay gaari la sheegay inay la socdeen xubnao ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo marayay Agagaarka degaanka Xawaadley ee Gobolka  Shabeellaha Dhexe.

Gaariga oo ah nooca Soomaalida ay u taqaano Hoomeyda ayaa Sawiro laga soo qaaday waxaa ay muujinayeen in gebi ahaanba uu burburay, iyada oo Saraakiil katirsan Ciidamada qeybta 27aad ay sheegeen in duqeynta lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya degaanka Masjid Cali Gaduud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gudaha u galaan degaanka, iyada oo uu halkaasi tagayo taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage.

F
Like it? Share it!

Leave A Response