Ergeygii Midowga Afrika ee loo soo magacaabay dhexdhexaadinta Soomaalida oo iscasilay

by admin | Friday, May 21, 2021 | 282 views

John Mahama Madaxweynihii hore ee dhowaan loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Midowga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ka laabtay aqbalaadiisa, kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ka hortimid magacaabidiisa.

Warsaxaafadeed ay ku saxeexantahay kaaliyaha gaarka ah ee John Dramani Mahama, oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee uu ku leeyahay internet-ka iyo weliba Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in warqad uu u qoray gudoomiyaha Midowga Afrika uu madaxweynaha hore kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika

“Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”. ayaa lagu yiri Warka.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa ergeyga Midowga Afrika ay si buuxda u soo dhaweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyo golaha madaxweyneyaashaa dawlad goboleedyadu, ayaa sidoo kale warqadda uu u diray gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, kaga deyriyey in taageero la’aanta dhanka Dawladda Federaalku khatar gelin karto gebi ahaan ba hanaanka oo ay wiiqi karto rajada dunida oo dhami ka qabto in nabad lagu soo dabbaalo dalka Soomaaliya ee sharafta leh”.

Like it? Share it!

Leave A Response