faafaahin: Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland oo howlgal Miino baaris ah fuliyay

by admin | Tuesday, Mar 30, 2021 | 288 views

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howgallo miino baris ah waxaa ay kas ameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Ururka 5aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab iyo Ciidanka Daraawiishta jubbaland howlgalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada Dhaaycabdow, mayoonde iyo Buula-kuusow .

Saraakiisha howlgalka hogga mineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ujeedkisa uu ahaa in degaannadaas lagas aaro Ururka Al-Shabaab,si ay uga hortagaan weerarada ay fuliyeen.
Mid kamid ah saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in hwolgalka ay kusoo sareen miinooyin dhwor ah oo ay Al-Shabaab ku Aaseen degaannadaas, isla markaana Al-Shabaab ay khasaaro ku gaarsiiyeen howlgalka.
Ciidamada dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyada oo howlgalkii ugu dambeeyay kusoo qab tay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response