Faafaahin: Dagaal Culus oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

by admin | Saturday, Aug 11, 2018 | 1091 views

Dagaal culus oo ay ku dhinteen dad badan ayaa maanta ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ugu Yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii maanta dhacay 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay xiisadooda ay ka taaganed duleedka Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu joojinaayo dagaal beeleedyadda, waxaana Kismaayo looga yeeray qaar ka mid ah waxgaradka Inkastoo Maanta uu dagaalku dib u bilowday.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay kala dhexgalayaan beelaha dagaallamaya.

Like it? Share it!

Leave A Response