Faafaahin dagaal ka dhacay gobolka hiiraan.

by admin | Sunday, Oct 9, 2022 | 356 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab Maanta ku dhexmaray degaanka Jicibo oo 30km dhinaca Waqooyi kaxiga degmada buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weerareen degaanka Jicibo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in dagaalka oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu socday in ka badan saacad.

Abaanduulaha Ururka 41aad Guutada 5aad qeybta 27aad ee Militirga Soomaaliya L/ Cabdirshiid Maxamed jeellow ayaa sheegay inay Ciidanka xoogga dalka ay khasaaro ku Garsiiyeen Al-shabaab Dagaal Maanta ka dhacay Degaanka jicibow ee hoostaga degmada buulo-Burde.

Wuxuu sheegay in howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ay weli ka wadaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka hiiraan, isla markaana ay ka go’an tahay inay uud ahaan Al-Shabaab ka saarayaan gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Jicibo ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan hayeeshee weli Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan, iyada oo dadka degaanka ay cabsi soo wajahday

Like it? Share it!

Leave A Response