faafaahin:Weerar lagu qaaday Saldhiga Booliska Baladweyne

by admin | Wednesday, Aug 7, 2019 | 605 views

Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska Magalada Baladweyne.

Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xoogan uu ku dhexmaray Saldhiga Ciidamada Booliska iyo ragga soo weeraray oo weli aan la ogeyn waxa ay ahaayeen.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu ku dhaawacmay hal ruux,sidoo kalena xaaladu ay degan tahay.

Goobaha Ganacsi ee Magalada Baladweyne qaarkood ayaa Maanta xiran,kadib markii uu saameyn ku yeeshay weerarka lagu qaaday Saldhiga Baladweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response