Faah faahin:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan oo la toogtay

by admin | Friday, Jul 8, 2022 | 475 views

Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa la toogtay xilli uu khudbad ku saabsan ololaha doorashada ka jeedinayay magaalada galbeedka ku taal ee Nara, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Qaar kamid ah ilaaladiisa iyo Ciidamada Ammaanka dalka Japan ayaa Isbitaalka ula cararay Ra’iisul Wasaare hore Shinzo Abe mid si loola tacaalo xaaladiisa Caafimaad.

Warbaahinta la howlgasha dalka Japan ayaa baahisay Sawirada Shinzo Abe oo dhulka jiifa, isla markaana dhiig badan uu ka daadanayo, iyada oo ay kor taagan yihiin saaxiibadiisa gaarka ah iyo mid kamid au Carruurtiisa.

Dad ku sugnaa Goobta uu khudbadda ka jeedinayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in xilliga rasaata ay dhaceysay iyo dhaawaciisa aan waxba u dhaxeyn, isla markaana ay aaminsan yihiin in meel u dhow laga soo toogtay.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda toogashada Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe, iyada oo Booliska ay baaritaano wadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response