Fadeexad ka taagan hirshabeele Haweeney 85 Sano jira ah oo lagu kufsaday jowhar

by admin | Saturday, Jul 7, 2018 | 951 views

magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe  waxaa ka dhacay kufi rag aan weli la garan ay kufsadeen Haweeney 85 Sano jir ah oo ka mid ah dadka ku nool Magaalda Jowhar.

Dhacadaaan oo aad looga hadal haayo Jowhar ayaa la sheegay in Haweeneyda ay ku nooleed Xero barakac oo ku taalla magalada Jowhar,waxana warka soo saaray oo ka hadlay Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda  Maxamed Cabdi Sheekh ayaa sheegay in falkaasi kufsiga ah ay ka dambeeyeen rag isticmaalay waxyaabaha maanka dooriye xilli la sheegayey in ay ka dambeeyeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeyn Lix dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen falkaasi kufsiga ah.

“waxba kama jiraan in ay yihiin askarta dowladda kuwa kufsiga geystay balse waa dad isticmaalay waxyaabaha maanka dooriyo,waxaan idiin sheegayaa in aan heyno lix dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan kufsigaas oo aan baaritaan ku heyno ayuu yiri Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda.

Like it? Share it!

Leave A Response