Farmaajo oo shir isugu yeeray dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir

by admin | Thursday, Feb 18, 2021 | 296 views

Madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada lagu sheegay in, isaga oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan:
1- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu shir iskugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
3- Shirka wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021, hayeeshee waxaa xusid mudan in 18 Bisha Febaraayo ay Maanta tahay, isla markaana Madaxda dowlad Goboleedyada aysan imaan Magaalada Muqdisho.
4War-Saxaafadeedka Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Shirka wadatashiga ah oo saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka ayaa lagu soo geba-gabeeyay” Qoraalka Madaxtooyada.
15-kii Bishaan ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Garoowe uu ka qabsoomo Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada, hayeeshee uu dib u dhacay sababo la xiriira go’ano laga sugayay Guddiga farsamada eek u shiray Magalada Baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response