FESOJ & VIKES oo bilaabay hirgalinta olole u qareemidda xuquuqda shaqo ee wariyayaasha taas oo uu ka taageerayo Midowga Yurub.{sawiro}

by admin | Thursday, Sep 5, 2019 | 730 views

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ iyo Hey’adda Horumarinta Warbaahinta ee Dalka Finland (VIKES ) ayaa si wadajir ah u bilaabay hirgalinta wajiga labaad ee mashrruca xuquuqda shaqo ee wariyayaasha Soomaaliyeed kaas oo lagu baritilmaameedsanayo 25 warbaahineed oo ku yaalla caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka iyadoo ujeedku yahay in la wanaajiyo maamulka gudaha ee hey’adaha warbaahinta maxalliga , lana xoojiyo balanqaadka milkiilayaasha iyo tifaftirayaasha marka ay timaado ixtiraamka heerarka shaqo iyo shaqaale.

Mashruucan wuxuu qayb ka yahay wejigii labaad ee hirgelinta mashruuca wadajirka ah ee VIKES iyo FESOJ, oo la bilaabay sanadkii hore isla markaana ay maalgelineyso Midowga Yurub kaas oo lagu tababarey ku dhawaad 200 suxufi iyo maamulayaal warbaahineed.

“Iyada oo qayb ka ah bilaabista mashruuca, waxaan durba bilownay inaan la kulanno maamulayaasha warbaahinta maxalliga ah iyo suxufiyiinta xaruntoodu tahay Muqdisho, marka xigana inshalah waxaan qorshaynaynaa inaanu gaarno xarumaha kale ee warbaahinta ee ku yaal guud ahaan magaalooyinka kale ee dalka” waxaa sidaa yiri Ustaad Faarax Cumar Nuur Xoghayaha Tababarka iyo Horumarinta ee FESOJ oo hogaaminaya ololahan.

“Sannadka 2018, waxaan diirada saareynay sidii loo dhisi lahaa awooda maamulayaasha warbaahinta iyo suxufiyiinta iyada oo loo marayo tababaro joogto ah oo la xiriira xuquuqaha shaqaalaha laakiin markan waxaan dooneynaa inaan si firfircoon ugu doodno xuquuqda shaqaalaha waxaan rajeyneynaa in FESOJ ay aakhirka la saxiixan doonto Hishiis is Afgarad (Memorandum of Understating) dhammaan maamulayaasha warbaahinta. “Ayuu raaciyay Ustaad Faarax Cumar .

Wariyayaasha Soomaaliyeed ayaa qaata mushaharo mararka qaar aad u hooseeyo walow ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan howlo muhiim ah oo ah in ay gaarsiiyaan warka iyo aqbaaraadka kale ee ay u baahan yihin.

FESOJ

Sawirka Mohamed Ibrahim Nur Moalimuu.

Sawirka Mohamed Ibrahim Nur Moalimuu.

 

Like it? Share it!

Leave A Response