Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik: “Dadka Deegaanka ee Wabxo ka maqan waxa aan ka codsanayaa in ay dib usoo laabtaan”.

by admin | Saturday, Nov 12, 2022 | 231 views

Saraakiisha, Xildhibaannada & mas’uuliyiin kale ee hormuudka u ah howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa Shacabka ka barakacay Magaaladaas ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, taliyihii hore ee Ciidanka DANAB oo qayb ka ah Saraakiisha hoggaaminaysa Howlgalka ayaa Shacabka ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan Waxbo isaga oo AS ku eedeeyay in si qasab ah Dadka Magaaladaas uga saareen.

G/le Ismaaciil waxa uu sheegay in ciidanka Dowladda Federaalka & Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda in ay baaqi kusii ahaan doonnaan deegaannada ay qabsadaan sidaas awgeed Shacabka looga baahan yahay in aanay lagu cabsi gelin in ay dib uga baxayaan.

“Deegaanka waxa ay ka maqan yihiin Magaalada oo waxa ay joogaan bannaanka oo cadawga ayaa ka barakiciyay, waxa aan leeyahay waxaa idiin imid dadkii magaaladaan lahaa ee dhulkaan ku dhashay oo qaarkood waalidkood tihiin, boqolkiiba boqol waxa aan damaanad ku siineynaa in aan joogeyno oo aanay jirin meel aan uga socono” Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay Howlgalka Waxbo ayaa sheegay in uu bogaadinayo Saraakiisha, Xildhibaannada & mas’uuliyiin kale ee hoggaaminaysa howlgalkaas.

MW DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu intaas ku daray howlgallada & Dhaqdhaqaaqyadaan ay qayb ka yihiin olole AS looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gobollada Mudug & Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response