Golaha nabadda Midowga Afrika oo ansixiyay in 3 bilood dib loo dhigo wajiga 2-aad ee bixitaanka ATMIS

by admin | Thursday, Oct 12, 2023 | 100 views

Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa ansixiyay codsiga dowladda Soomaaliya ee ah in muddo saddex bilood ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo katirsan howlgalka ATMIS, sida uu sheegay madaxa midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed El-Amine Souef.

“Si rasmi ah ayaa dib loo dhigay muddo saddex bilood ah,”ayuu yiri Maxamed El-Amine Souef, oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee VOA. Balse Ma sheegin in golaha ammaanka QM uu meel mariyay 3-da bilood ee la hakiyay bixidda askarta ATMIS.

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa horey muddo hal bil ah dib u dhigay bixidda 3 kun oo askari oo katirsan ciidanka ATMIS.

Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale ku baaqay in taageero caalami ah la siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn tababar oo kaliya, balse ay u baahan yihiin hub, qalab iyo xirfado ay ku shaqeystaan saraakiisha, iyo in laga qaado cunaqabateynta hubka, si dalka uu hub u soo iibsado.

“Waxaad aragteen waxa Israa’iil ka dhacay, arrinta u dhaxaysa Xamaas iyo Israa’iil, isla markiiba saaxiibadooda, oo uu ku jiro Maraykanku, waxay isla markiiba qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israa’iil xagga hubka,” ayuu yidhi madaxa midowga Afrika ee Soomaaliya.

Souef wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay qalab, gaadiid, iyo qoryo ugu deeqaan ciidamada Soomaaliya marka ay ka baxaan bisha December ee sanadka 2024.

Like it? Share it!

Leave A Response