Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo isku khilaafay cidda ka qeyb galeysa Kulanka doorashada

by admin | Wednesday, Apr 27, 2022 | 381 views

Xubnaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa siyaabo iska soo horjeeda uga kala hadlay in doorashada Maanta ka dhaceyso Teendhada Afisiyooni ay ka qeyb galayaan Xildhibaannada lagu doortay Gobolka Gedo, kuwaas oo khilaaf xooga  ka dhex-dhaliyay Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha.

lix xubnood oo kamid ah Guddiga ayaa iyaga oo Warbaahinta la hadlay waxaa ay sheegeen in Xubnaha lagu kala doortay Ceelwaaq & Garbahareey ee Gobolka Gedo aysan ka qeyb galeyn Kulanka Maanta ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen.

Hayeeshee Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed wuxuu sheegay in Qaar kamid ah Xubnaha Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay ay si qaldan Warbaahinta ula hadleen, balse cidda ka qeyb galeysa Kulanka doorashada Maanta la kala cadeyn doono.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdirisaaq wuxuu sheegay in  ay raaci doonaan awooda Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayna la Shaqeyn doonaan liiska uu bixiyo, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay hadallada qaar oo ay sheegeen Xubnaha kale ee Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka.

Doorashada Soomaaliya ayaa xilligaan u muuqata mid caqabado badan wajaheysa, waxaana Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay aad iskugu khilaafsan yihiin Sharci ahaanshaha Xildhibaannada lagu doortay Gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response