Guddiga doorashooyinka Galmudug oo Guddoon doortay

by admin | Monday, Jul 5, 2021 | 273 views

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshsy Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, iyaga oo maanta doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa.

Xilka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ayaa waxaa isu-soo taagay musharixiinta kala ahaa
1. Maxamed Daahir Guuleed, guddoomiye
2- Saacid Aadan Jaamac. Ku xigeen.

Madasha Doorashada xubnaha soo xaadiray ayaa gaarayay 11 xubnood, waxaana Maxamed Daahir Guuleed  ay u doorteen Guddoomiye, isaga oo helay 11 cod Mana jirin qof la tartamay.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa Saacid Aadan Jaamac waxaa ay u doorteen Guddoomiye Ku xigeen, isaga oo helay 11 cod, mana jirin qof la tartamay.

Saaka ayay aheyd markii Guddiga doorashooyinka ee Maamulka Koonfur Galbees markii ay guddoon doorteen, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay Guddoon doortaan Guddiyada doorashooyinka Maamulada, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Puntland, Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi iyo kuwa Beelaha Banaadiriga.

Like it? Share it!

Leave A Response