Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay Shuruudaha laga rabo musharaxiinta kuraasta Galmudug

by admin | Saturday, Nov 20, 2021 | 503 views

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta iyo xilliga is-diiwaangelinta, sida uu dhigayay Habraacii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ahaa in lacagta diiwaan gelinta Musharaxiinta lagu shubo Akoonada Bankiga Dhexe uu ku leeyahay Bangiyada gaarka loo leeyahay.

Galmudug ayaa noqoneysa Maamul Goboleedkii u horreeyay ee dhaqan geliya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta shanta kursi ee horay loo shaaciyay ayaa ka mid ah in diiwaan gelinta lacagta ayaa isugu jira in ragga Musharaxiinta ay bixinayaan $10,000 halka Musharaxiinta Dumarka ay bixinayaan $5,000.

Like it? Share it!

Leave A Response