Guddiga madaxa banaan ee xaduudaha oo Maanta hortagaya Golaha Shacabka

by admin | Wednesday, Apr 24, 2019 | 777 views

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka ah ee soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah kuna beegan 24/4/2019 ay Xaruntooda Magalada Muqdisho ku yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa.

Ajandeha Kulanka Maanta ayaa waxa ah warbixin ay  ka dhageysanayaan  guddiga madaxa banaan ee xuduudaha, iyada oo Kulanka ay hortegi doonaan Xubnaha Gudigaas si ay xildhibaananda warbixino ula wadaagaan.

Xildhibaannada golaha Shacabka ayaa xalay loo diray farriimo lagu wargelinayey in Maanta oo Arbaco ah uu jiiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana ay soo xaadiraan.

Xildhibaananda Golaha Shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay ee todobaadkaan aan yeelan wax kulan ah, iyada oo kala-fadhiyadii u dambeeyey ee Golaha Shacabka kulamadooda qaar ay u baaqanayeen sababo la xiriira kooram la’aan.

Like it? Share it!

Leave A Response