Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka oo la kulmay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya

by admin | Tuesday, Sep 17, 2019 | 547 views

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi xaashi C/laahi ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dalka Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Mikhail GOLOVANOV.

Gudoomiyha iyo Safiirka,waxa ay kulankii qaabilaadda kaga hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,sii ambaqaadidda adkeynta xiriirka Dibolomaasi iyo Ka qeybgalka Ruushka iyo dadlalka Afrika oo lagu wado in uu bisha Oktoobar ka dhoco magaalada Sochi ee dalka ruushka .

Kulanka qaabilaadda ka dib waxaa warbaahinta qaranka la hadlay Mikhail GOLOVANOV Safiirka ruushka u fadhiya soomaaliya waxa uuna sheegay in aad uu ugu faraxsan yahay kulanka uu la qaatay Cabdi xaashi C,laahi Gudoomiyha Golaha aqalka sare BFS waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in Dowlada soomaaliya ay ku martiqaadeen shirka ruusha iyo afrika.

Safiirka ruushka u fadhiya soomaaliya Mikhail GOLOVANOV ayaa kulamo gaar gaar la yeeshay madaxda dalka ugu saraysa wasiiro iyo xubno kale

Like it? Share it!

Leave A Response