Guddoomiyihii degmada Afgooye oo Shaqa joojin lagu sameeya{AKHRISO}

by admin | Friday, Jun 3, 2022 | 532 views

Wasaaradda arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaqada ka joojisay Guddoomiyaha Degmada Afgooye Abuukar Maxamed Cumar, kadib markii lagu eedeeyay Amar-diido iyo ku takrifal awoodeed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maxaad Maxamed Ciise Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Xubnaha kale ee Wasaaradda & Guddoojiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose in sababta Shaqada looga joojiyay ay tahay kadib markii uu soo saaray Magacaabis sharci darro ah kuna dhaqmay ku takrifal awoodeed iyo iska horkeen Maamulka dhexdiisa ah.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali Najah ayaa dhankiisa xubnaha kale ee maamulka amray inay shaqadooda gutaan bulshadana ay u adeegaan.

Guddoomiyihii degmada Afgooye ee Shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa dhawaan Maamul Cusub u Magacaabay shalayna xilalka u kala wareejiyay Maamulkii degaanka Jasiira, taas oo ay kasoo horjeesteen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response