Gudoomiyihi hore ee gobolka hiiraan oo Al-Shabaab ku eedeeyay dagaal beeleedyada.

by admin | Wednesday, May 1, 2024 | 16 views

Gudoomiyihi hore ee gobolka hiiraan , ahna Taliyaha Ciidanka macaawisleyda Cali Jeyte Cismaan, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay in ay soo abaabuleen dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyihi hore ee gobolka hiiraan oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ay dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay xal u helida colaadda, ayaa sheegay in maleeshiyaad ka soo jeeda beelaha walaalaha ah ay wadaagaan cadow isku mid ah oo ah Al-shabaab.

“Dhallinyarada waxaan ka codsanayaa inay ii ogolaadaan inaan ka mid noqdo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, waa inaan u midowno dagaalkan” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
Dagaaladan ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo ku dagaalamay deegaano ku yaala degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal.

“Waan fahmi la’ahay sababta labadan qoys isku haystaan, marka midkiinna la fadhiisto, labada reerba walaalahood wax ka sheegtaan ma jirto, markaa haddii aad walaalo isu tihiin yaa dagaalka hurinaya? ” ku daray cali Jeyte Cismaan oo hadalkiisa sii wata.

Dagaal beeleedyadii u dambeeyay ayaa inta badan waxa ay ka dhaceen xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmooyinka Jalalaqsi, Moqokori, Mahadaay, iyo Aadan Yabaal.

Like it? Share it!

Leave A Response