Haweeney ‘kufsi iyo dil loogu geystay’ Hargeysa

by admin | Wednesday, Jul 14, 2021 | 276 views

Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay haweeney lagu magacaabi jiray, Hinda Cumar kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Ehellada Allaha u naxariistee haweeneyda geeriyootay oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ay geeyeen isbitaalka , loona xaqiijiyey in inta aan la dilin, ka hor lagula kacay kufsi iyo jirdil aad u xoogan oo sababay geerida ku timid marxuumadda.

“Dhakhtarku wuxuu yidhi waxay u dhimatay kufsi iyo dil” ayay tiri Hinda dumashideed oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Bulsho.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Hinda ay markii ugu dambeysay saartay gaari bas ah oo ay la socdeen darawal iyo kirishboy isla socday oo looga shakisan yahay dhacdadaasi.

“8:40 PM ayaa bas huruuda oo laba nin saaran yihiin aan saaray, 9:00 PM waxa laygu yidhi inanti waa meyd, sidaas ayey inantii ku geeriyootay, iyada oo kufsi iyo dil loo geystay”” ayey markale tiri marxuumad Hinda dumashideed.

Ugu dambeyn ehellada ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee Somaliland inay soo fara-geliyaan arrintooda, si ay cadaalad u hesho AUN dhibane Hinda Cumar oo geeriyootay.

Booliska Somaliland oo la wareegay kiiskan ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa leh, si loo soo qabto dadkii ka dambeeyey.

Dhacdooyinka kufsiga iyo dilka arxan darrada ah ee isla socda ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana horey looga soo wariyey meelo kala duwan oo ka mid ah dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response