Hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya oo ka walaacsan deeqaha oo hoos u dhacay

by admin | Tuesday, Feb 21, 2023 | 211 views

Shaqaalaha gargaarka ee ka shaqaynaya Soomaaliya ayaa ka walaacsan caajis ku yimaada dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo deeqaha oo hoos u dhaca xilli ay abaaraha dalka ka jira sii jiitamayaan.

Maxamed Cabdi oo ah madaxa hay’adda Norwegian Refugee Council ayaa sheegay in deeq bixiyayaasha ay Soomaaliya caawinayeen tobannaan sano inkastoo xaaladda bani’aadaminnimo ee waddanka aysan waxba iska beddelin.

Waxa uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah waddamada deeqda bixiya inay daalayaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay dalalka deeqda bixiya taageerada sii wadi doonaan, laakiin sidoo kale ay taageri doonaan meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan sida Yemen, Siiriya, Turkiga iyo Ukraine.

Dawladda Soomaaliya iyo hay’daha gargaarka ayaa dhowaan codsaday lacag dhan $2.6 bilyan oo lagu gargaarayo dad dhan 7.6 milyan sannadkan 2023. Codsiga ayaa yimid iyadoo weli Soomaaliya ay ka jirto cabsi ah inay macluul dhacdo gaar ahaan haddii ay roobab ku filan di’i waayaan gu’ga soo socda.

Afhayeen u hadlay hay’adda isku dubaridka mucaawinooyinka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inay sii yaraato kaalmada la siinayo Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response