Hay’adaha gargaarka oo ku baaqay in wax laga qabto macluusha Geeska Afrika ka jirta

by admin | Saturday, Apr 23, 2022 | 510 views

Hay’adaha samafalka ee Save the Children iyo  Church ayaa beesha caalamka ugu baaqay in gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah la gaarsiiyo Itoobiya, Soomaaliya Kenya halkaas oo ugu yaraan 16 milyan oo qof ay halis ugu jiraan macaluul ka dhalatay abaartii ugu xumayd muddo 40 sano ah.

Sida ay sheegtay Hay’adda Save the Children iyo Urur-goboleedka IGAD oo ka kooban siddeed waddan oo Geeska Afrika ku yaalla, waxa lagu qiyaasay 16 milyan oo qof oo ay ku jiraan carruur badan inay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo saddex xilli roobaad oo xiriir ah ay baaqdeen.

6 ilaa 6.5 milyan ka mid ah waxay ku sugan yihiin Itoobiya, 3.5 Kenya ah iyo 6 milyan oo Soomaali ah.

Soomaaliya sideedii bilood ee la soo dhaafay in ka badan 720,000 oo qof, kuwaas oo ay horeba si ba’an u saameeyeen colaado hubaysan, weeraro argagixiso, xasilooni darro siyaasadeed, iyo COVID-19, ayaa ka qaxay guryahoodii iyagoo raadinaya cunto iyo biyo.

Save the Children ayaa ku warameysa in, marka loo eego qiyaasaha Qaramada Midoobay, haddii aan xaaladda si degdeg ah wax looga qaban, 1.4 milyan oo carruur ah ay nafaqo-xumo ba’an soo wajahi karto bartamaha sanadkan.

Like it? Share it!

Leave A Response