Hoggaamiyaasha Soomaaliya & Taliyaani oo ka wada hadlay xiriirka labada Dal

by admin | Thursday, Feb 9, 2023 | 273 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soodhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan Sharaf ka qaatay ilaalida Jamhuuriyadda.

Munaasabadda ku qabsoomtay qasriga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Sergio Mattarella waxa uu ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo baambayda dalkani ay tumayeen heesaha calanka labada dal.

Intaas kaddib, Labada Madaxweyne ayaa wada qaatay kulan oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka labada dal, danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soodhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dalalka Caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response