Howlgal ka billowday Magaalada Beledweyne iyo duleedkeeda

by admin | Thursday, Aug 19, 2021 | 254 views

Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee degmada Beladweyne iyo deegaannada ku xeeran magaalada si loo xoojiyo Nabadgelyada magaalada.
Ciidamadaan oo isgu jiro Xoogga Daka Soomaaliya, NISA iyo kuwo booliska ayaa ujeedka holgalkooda lagu sheegay inay tahay mid ay ku adkeynayaan Nabadgelyada magaalada Beladweyne, maadaama dhawaan halkaasi marti gelineyso doorashada.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle Xasan Maxamed Ibraahim iyo Taliyaha Guudad 5aad Qeybta 27aad Maxamuud Xasan Ibraahin Baakay oo si wada jir ah uga hadlay muhiimadda howlaha xasilinta magaalada Beladweyne ayaa carabka ku adkeeyay in tani ay qeyb ka tahay xaqiijinta amniga, isla markaana ay ka hortagaan waxkasta oo carqaladeynaya Nabadgelyada.
Saraakiishan isugu jirta Boliiska, Millitariga iyo nabad sugidda ayaa dar-daaran buuxa siisay Ciidamada kala duwan ee loo diyaariyay xaqiijinta ammaanka guud iyo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, waxanay fareen inay soo dhoweystaan bulshada si ay xogta ula wadaagaan.

Like it? Share it!

Leave A Response