Isfaham horudhac ah oo lagu gaaray Shirka Magaalada Dhuusamareeb

by admin | Thursday, Feb 4, 2021 | 345 views

Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa weli ka socda shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyada oo saacadihii la soo dhaafay shirka looga dooday qodobo xasaasi ah oo salka ku haaya arrimaha doorashooyinka dalka.

Wararka horudhac ah ee shirka laga helayo ayaa sheegaya in isfaham laga gaaray Arrimaha Gobolka Gedo, iyo khilaafka sida lo wajahayo doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada waqooyi ee Somaliland oo uu kasoo horjeestay guddoomiyaha Aqalka sare.

Qodobada ugu muhiimsan ee isfahamka ay ka gaareen Madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray Saddex qodob, kuwaas oo kala ah.

1:  Arrinta Gobolka Gedo oo xalkeedaloo saaray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

2: In Ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM la geeyo Magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo.

3: Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo Magalada Garbahaarey.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa doonaya in Maamulkii Gobolka Gedo ee Jubblanad lagu celiyo Garbahaarey, gaar ahaan Duqa magaalada maadama halkaasi loo asteeyay ay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada labada Aqal kasoo galaya degaannada Jubbaland.

Shirka ayaa weli ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxana isha ku haya Shacabka Soomaaliyeed & Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya, kuwaas oo madaxda ku cadaadinaya inay heshiis gaaraan.

Like it? Share it!

Leave A Response