Israa’iil oo Shuruudo adag ku xirtay in biyaha iyo korontada u deyso Marinka Gaza

by admin | Thursday, Oct 12, 2023 | 171 views

Maamulka Israa’il ayaa gabi ahaan biyaha nadiifka iyo korontada ka jaray Marinka Gaza ay ku wadaan duqeymo aan kala joogsi laheyn, waxaana inta badan magaaladaasi isaga qaxay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa.

Isbitaalada iyo xarumaha caafimaad ee kuyaalla magaalada Gaza ayaa halis ugu jira in koronto la’aan u xirmaan, waxaana gabaabisi maraya shidaalkii ay isticmaalayeen isbitaalada magaalada kuyaalla.

Wasiirka tamarata ee Israa’iil Katz Isreal ayaa sheegay in go’doominta ay ku hayaan Marinka Gaza ay sii socon doonto, waxa uuna shuruud ku xiray in biyaha iyo koronta aan loo fasixi doonin Gaza inta ay Xamaas heestaan maxaabiis Israa’iiliyiin ah.

“in aan koronto la dayn doonin, biyahana la furi doonin isla markaana aan loo ogolaan doonin booyadaha shidaalka in ay shidaal halkaa geeyaan, ilaa laga sii deynayo dadka u afduuban Xamaas” ayuu yiri wasiirka Tamarta Israa’iil.

Israa’iil ayaa gabi ahaan jartay Sabtidii adeegyadii aas aasiga ahaa ee tagi jiray Marinka Gaza, waxa ayna Israa’iil jareen korontadii iyo biyihii aas aasiga u ahaa dadka kunool Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Like it? Share it!

Leave A Response