Isticmaalka qaboojiyaha oo faafin kara COVID-19

by admin | Wednesday, Jul 1, 2020 | 438 views

Qaboojiyeyaasha dhaliya Hawada macmalka ah ayaa noqon kara calaamad fure u ah faafitaanka fayriska dilaaga ah ee coronavirus, Sida uu sheegay Pro Harvard Nardell oo ku takhasusay daawada, caafimaadka iyo tan bulshada ee Kuleejka Caafimaadka Harvard (HMS).

In kasta oo ay khubaradu horay u soo jeediyeen in qaboojiyuhu laftiisu aanu u horseedi karin infekshan, adeegsiga qaboojinta ayaa tilmaamaysa in dad badani ay ku xayiran yihiin meelo yar yar, taas oo abuureysa goob ku habboon fayrasku in uu kufido.

Edward Nardell “Mareykanka wuxuu cadeynayaa, in bisha June, ay durbaba isticmaaleen hawo qaboojiye dadka wadanka, sababtoo ah kuleylka aadka u sareeya sidoo kale ah meelaha ay aadka ugu kordhay fiditaanka COVID-19” ayuu yiri Edward Nardell.

Like it? Share it!

Leave A Response