Itoobiya oo qarka u saaran inay ku biirto EAC.

by admin | Tuesday, Apr 9, 2024 | 38 views

Itoobiya ayaa lagu wadaa inay noqoto waddankii 9-aad ee xubinta ka ah bulshada Bariga Afrika (EAC), dhawr bilood uun ka dib markii ay Soomaalidu aqbashay ururka.

Tan waxaa shaaca ka qaaday Peninah Malonza, oo ah Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Wasaaradda EAC, Dhulka oomanaha iyo Dhul-eereedka ah iyo Horumarinta Gobolka.

Malonza oo ka hadlayay xili uu hogaaminayay gargaar cunto qeybin ah oo ka dhacayay deegaanka dhexe ee Kitui ayaa shaaca ka qaaday in wada hadalada u dhaxeeya Itoobiya iyo madaxda wadamada EAC ay heer gabo gabo ah marayaan dhawaana Itoobiya ay qeyb ka noqon doonto midowga.
Marka laga soo tago oggolaanshaha Itoobiya, dawladaha iskaashiga EAC waxay sidoo kale raadinayaan inay iswaafajiyaan siyaasadaha muhiimka ah oo ay dejiyaan hay’adaha lagama maarmaanka u ah si ay u helaan hal lacag gobolka dhamaadka sanadkan sida ku qeexan EAC Protocol-ka Midowga Lacagta.

Bulshada Bariga Afrika (EAC) waa urur goboleed ka kooban siddeed (8) Waddan oo Shuraako ah, oo ka kooban Jamhuuriyadda Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Ruwaanda, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Uganda iyo Jamhuuriyadda Tansaaniya, oo xarunteedu tahay Arusha, Tanzania.

Like it? Share it!

Leave A Response