Jadwalka doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo la shaaciyay

by admin | Saturday, Nov 7, 2020 | 333 views

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas iyo kuxigeenkiisa.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ay dhacayaan 8 ilaa 9 Bisha November, halka hadal jeedinta musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ay dhaceyso 10-ka Bishaan.

Sidoo kale guddiga doorashada ayaa waxaa ay shaaciyeen in doorashada  Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle ay dhaceyso 11 Bisha November oo ku aadan Maalinta Arbacadaha ah ee soo socota.

Like it? Share it!

Leave A Response