Janan oo xaqiijiyay in uu la heshiiyay dowladda Soomaaliya kuna wajahan yahay Beled-Xaawo

by admin | Wednesday, Mar 24, 2021 | 320 views

Wasiirkii Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan ayaa xaqiijiyay in uu heshiis la galay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana saacadaha soo socda uu tagayo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Janan oo ku dhawaad Sanad Ciidamo taageersan ku heysta duleedka Beled-Xaawo ayaa dhowr jeer weerar kusoo qaadat degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, isla markaana uu dagaal la galay Ciidamada ay dowladda geysay halkaas.

Wasiirkii Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in uutegayo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana halkaasi ka socda qaban qaabo lagu so dhaweeynayo.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan, waxaana warqadda xilka qaadista oo Maanta soo baxday ay ku taarookheysan tahay 20kii Bishaan Maarso.

Like it? Share it!

Leave A Response