Jeneraal Cabdalla Cabadalla oo laga xayuubiyay xubinnimadiisii NISA

by admin | Saturday, Sep 1, 2018 | 913 views

War qoraal oo goordhaw lagu daabacay barta hay’adda Nabadsugidda  iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ku leedahay mareegta Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in kamid ahaanshaha NISA laga saaray Jeneraal Cabdalla Caballa oo soo noqday taliye ku xigeenka hay’addan
“Kadib waraysi uu bixiyay Gen. Abdalla Abdalla kuna sheegay eedeymo, waxaa loo saaray guddi baara qaladaadka xasaasiga ah ee ka horimaanaya hanaanka shaqo & danaha qaran, wuxuu gudigu gartay, inuusan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah”. Sidaa ayaa lagu qoray bar Twitterka ee NISA.
Cabdalla Cabdalla ayaa la qoonsaday wareysi uu dhawaan siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo uu kaga hadlay arrimo badan oo markii hore afka laga duwan jiray ama aanan laga hadli jirin.

Like it? Share it!

Leave A Response