Jubbaland oo Wafdi u dirtay degaano ay Abaar kajirto

by admin | Wednesday, Oct 27, 2021 | 230 views

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Socdaalka Wasiirka oo ay kamid yihiin mas’uuliyiin ka yirsan Hay’adaha gargaarka ayaa la xiriira xaaladda abaaraha ee ka jira deegaanno hoos yimaadda magaalada Dhoobley.

Wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay tagaan degaano hoostaga degmada Dhoobleey, isla markaana ay gaarsiiyaan gurmadyo kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response