Kenya: Maamulka Baringo oo ka digay xaalufinta Dhirta.

by admin | Saturday, Nov 12, 2022 | 297 views

Ismaamulka Baringo oo kamid ah 47 Maamul Gobol ee Kenya ayaa digniin kasoo saaray xaafulinta lagu hayo Dhirta oo sababtay in Geeda badan la jaro si dhuxul loogu baddelo kaddibna lacago laga sameeyo.

Waaxda qaabilsan ilaalinta deegaanka ayaa ku talisay in wax laga qabto kooxaha dhirka ku jara mashiinnada casriga ah ee dhulka dhigay geeda badan oo harsi & carro celin u lahaa Dadka & Duunyada sida hadalka loo dhigay.

Guddoomiyaha Ismaamulka Baringo, Benjamin Cheboi ayaa sheegay in maamulku uu ka shiray wax ka qabashada dhibaatadaan halista ku dhalin karta Deegaanka si looga hortago dhibaatooyinka ka dhasha dhirta oo la xaalufiyo.

Koox u dhaqdhaqaaqda ilaalinta deegaanka ayaa soo jeedisay in loo istaago wacyigelinta Bulshada si gacmaha looga qabto kuwa ka ganacsanaya dhirta sanadaha badan ku taal Deegaanka balse xaalufintu ku socoto.

Kooxdaan ayaa sheegtay in is baddelka Cimilada ay qayb ka tahay in dhirta la jaro maadaama Dadku ay ka helaan Oksijiin (Oxygen), sidoo kale Cunno yari, Roob la’aan & deegaanka oo naga guuro ay sababi karaan ficillada ka dhanka ah Dhirta.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dagaal adag la galayso Dadka dhirta xaalufiya, Kooxaha ka ganacsada Faanta Maroodiga & Duur-joogta kale si ay uga hortagto dhibaatooyinka ka imaan kara haddii aan wax laga qaban.

Like it? Share it!

Leave A Response