Khasaaro ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay Hargeysa

by admin | Monday, Oct 24, 2022 | 269 views

Inta la xaqiijiyay 9 Qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii uu gaari ku dhacay xaafad ka tirsan xaafadaha magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Sagaalka qof oo ay ku jiraan carruur ayaa la sheegay in gaari bas ah oo ay saarnaaayeeen uu ku dhacay xaafada Faluuja ee degmadda 31-may ee Caasimada Somaliland Ee Hargeysa,mana jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay shilkasi.

Dhacdada ka dib waxaaa goobta ay wax ka dhaceen gaaray Ciidanka Dab-demiska ee hargeysa oo si dhakhso ah u gaaray goobta uu basku ku dhacay una sameeyay gurmad, sidoo kale ciidmada booliiska ayaa iyana ka qeyb ahaa gurmadka loo sameynayay dadka ay dhibtu  gaartay.

Dadka dhaawaca ah oo ay ku jiraaan Saddex carruur ayaa la geeyay isbitaalada magaalada Hargeysa halkaas oo xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo.

Ciidanka Dab-demiska oo ka hadlay dhacdadaan ayaa waxa uu fariin digniin ah u diray darawalada Kexeeya gawaarida inay muujiyaaan taxadar iyo masuuuliyad si looga feejignaaado dhacdooyinka soo noqnoqday.

Shilalka noocaan oo kala ah ayaa ah kuwa mararka qaar ka dhaca dhulka soomaalida waxaana dhowr jeer degaannada Somaliland ka dhacay shilalka gawaarida kuwaaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Like it? Share it!

Leave A Response